YOUR NEWS PORTAL

Farah

1 2 3 14

Gudoomiyaha cusub Gobolka Mudug oo xilka lawareegay

(BB)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg ayaa maanta oo Jimce ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigay’’.

Munaasabada xil Wareejinta ah ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,waxaana ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug ayaa loo rajeeyay inuu si wannaagsan u gudan doono waajibaadka shaqo ee loo igmaday,waxaana Guddoomiyihii hore loogu hambalyeeyay hawshii uu qabtay mudadii uu shaqaynayay.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dawlada Puantland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ uu Guddoomiyaha Gobolka Mudug u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

Wafdigii Jubland oo gaaray Roma Talyaaniga

(BB)Mas’uuliyiin ka socda Wasaarada Arimaha Dibada Talyaaniga ayaa si diiran usoo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Jubaland Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag.

jubland jubland1

Madaxweyne Xigeenka oo uu weheliyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Cabdiqani Cabdi Jamac,ayaa maanta waxay soo gaareen Dalka Talyaaniga halkasoo ay uga qayb galayaan Shir muhiim ah, Shirkasoo Soomaaliya laga casumey Dawladaha Puntland iyo Jubaland.

John Kerry oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa Muqdishu Soomaaliya

(BB)Xog-hayaha arrimaha dibada dowladda Maraykanka John Kerry ayaa booqasho aan rasmi ahayn ku yimid Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka.

kerry iyo mdx somalia kery mogadishu sawirka maanta

Waa xog-hayihii ugu horeeyay oo Maraykan ah oo booqda Soomaaliya, oo sanado badan kasoo kabanaysa qalalaase. John Kerry ayaa tagay Muqisho, si uu usii xoojiyo balanqaadka Maraykanka ee lagu taageerayo Soomaaliya oo ku socota wadadii nabada.

John Kerry ayaa la kulmay madaxda dowladda federalka iyo Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka  , wuxuuna kala hadlay iskaashiga ammaanka iyo horumarka Soomaaliya ee ku wajahan dib u habaynta iyo bartilmaameedka horumarinta.

Sidoo kale wuxuu la kulmay hogaamiyayasha bulshada rayidka ah, iyagoo kala xaajooday muhiimada NGO-yada, Wuxuuna sidoo kale  u mahad celiyay Ciidamada Midowga Afrika ee doorkooda xasilinta Soomaaliya.

John Kerry ayaa kadib soo gabagabeeyay socdaalkiisa kooban oo uu ku tagay Muqdisho, Wuxuuna u dhoofay dalka Jibuuti.

1 2 3 14