YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Puntland oo ka niyo jabsan hirgelinta hiigsiga 2016 in uu suuro gal noqon karo

(BB)Dawlada Puntland ayaa sheegtay in rajada laga qabay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka uu sii baaba’ayo,xilli Dawlada Federaalka aysan hayn Wadada lagu hirgalin karo qorshayaasha Horyaal.

wx5Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa sheegay inuusan rajo ka qabin in waqtiga haray ay wax ku qabato Dawlada Federaalka Soomaaliya.

‘’Aragtida 2016-ka waxay iila muuqataa mid Iftiinkeedu uu sii baaba’ayo,maxa yeelay Wadadeeda lama hayo,waqtiga harayna ilama aha in shaqadeeda lagu dhamayn karo’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dr. Gaas ayaa sheegay in sanadka iyo barka haray Dawlada looga fadhiyay inay qabato;-

-In Soomaaliya la xoreeyo.

-In Maamulada dhiman la dhamaystiro.

-In Dastuurka Afti loo qaado.

-In dadka la tiriyo,dabadeedka Doorasho Hal Cod ah loo dareero.

‘’Shaqooyinkaa culus waa in sida ay tahay loo hirgaliyaa,wixii intaa ka sukeeyana wax Soomaali anfacaya ma aha’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu ka qyab galay Barnaamij ay dadweynuhu su’aalo ku waydiiyeen oo ka dhacay Jaamacadda Bariga Afrika.

Hiigsiga Cusub.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay Barnaamijjka Hiigsiga Cusub ‘’New Deal’’ ayaa wuxuu yiri‘’….Hiigsiga cusub waan soo dhowaynaynaa,waxaanse rabnaa in sida loo sheegayo ay wax uga soo baxaan,marar badan waxaa dhacda in Soomaalida si wax loogu sheego,laakiin inta badan ay runtu ka duwan tahay’’.

Wuxuu intaas ku daray‘’Waxaan si joogto ah uga qayb galnaa shirar Hiigsiga cusub,laakiin Puntland markasta waxay ogtahay waxa ay Xaqa u leedahay iyo waxa Abaarta loogu leeyahay,Puntland waa taqaan waxa ay rabto waana hormar iyo Sinnaan Soomaaliyeed’’.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa sheegay in umada Soomaaliyeed ay ku jirto Marxalado kala duwan,loona baahan yahay in la isku qiimo heerarka hormae iyo Siyaadeed ee ay kala marayaan.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah