YOUR NEWS PORTAL

Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe, oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda ee Puntland.

 (BB)Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda u magacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe,waxaana Mr. Toohe uu badalayaa Wasiir ku xigeenka hore ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Gani Cali Shire.

ws kka toohe ws kk tooheWasiir Ku-xigeenka cusub ayaa saaka lagu dhaariyay xafiiska Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Gaas,waxaana Warbixin kaso baxday Madaxtooyada Puntland lagu sheegay in xilkan uu Madaxweynuhu u magacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe ka dib,markii uu arkay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, waana aqoonyahan reer Puntland ah ahna dhakhtar muddo shan iyo labaatan sano  ku dhow shaqaynayey kana howlgalay dalka gudihiisa iyo dibadiisa gaar ahaan dalalka Soomaaliya ,England iyo UAE  .

Shiikh Xassan Cabdi Cilmi oo ah Xubin ka tirsan Maxkamada sare ee Dawladda Puntland ayaa wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad badeeda Puntland Dr.Cabdillaahi ku dhaariyey xafiiska Madaxweynaha.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe kula dardaarmay inuu guto waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah