YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Ugandha oo ka baqaysa Alshabaab iyo in la weeraro goobaha dadkukubadan yihiin.

(BB)Booliska Uganda ayaa sheegay inuu helay macluumad ku saabsan in ururka Alshabaab uu qorshaynayo weerar ka dhan ah dugsiyada, macaahida iyo jaamacaddaha kuyaala Kampala.

ugandha ploice

Helitaanka macluumaadkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo 148 arday ah lagu dilay weerar lagu qaaday jaamacadda Gaarisa Khamiistii doraad.

Sida laga soo xigtay taliyaha guud ee Bilayska, Gen. Kale Kayihura, hanjabaadaha Alshabaab ayaa waxay yihiin kuwo dhab ah ku salaysan inay maleegayaan weeraro argigixiso xilliga ardaydu iskudiyaarinayaan fasaxa.

Gen. Kale Kayihura wuxuu ugu ku baaqay taliyuhu in kor loo qaado feejignaanta xarumaha waxbarashada, inkastoo uu sheegay in  horey looga shaqeeyay ammaanka goobaha tacliinta.

“ Waxaan haynaa macluumaad sheegaya in Alshabaab qorsheynayaan inay weeraraan dugsiyada, macaahida, iyo jaamacaddaha kuyaala Jinja oo katirsan Kampala,”ayuu yiri  Kayihura oo shir jiraad u qabtay saxaafada.

Todobaadkii lasoo dhaafay dowladda Maraykanka ayaa ka digtay suuragal ahaanshaha weeraro ka dhaca Kampala gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin ajaanibta reer galbeedka.

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah