YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Kenya oo sedex cisho oo baroor diiq ah maanta kabilowday dalkeeda weerarkii dhowaa

(BB)Dalka Kenya ayaa waxaa maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku beegan tahay 5/4/2015-ka waxaa ka bilowday saddex bari oo Baroor-diiq Qaran ah,taasi oo loo samayn doono dadkii ku dhintay Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Jaamacadda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.kenyan FLAGS-HALF-MAST kenyan baroor diiqDadka ku dhintay Weerarka ayaa gaaraya 147-qof,halka 80-kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana uu ahaa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Shabaab ay ka fuliyaan dalka Kenya.

Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay inaysan hakad galinayn dagaalka ka dhan ah Shabaab,xilli Kenya ay ka mid tahay Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa horay u Cambaareeyay Weerarka Jaamacadda Gaarisa,kana digay in Weerarku uu saamayn ku yeesho Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Waxaa xusid mudan in Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya lagu soo rogay Bandow Weerarka ka dib.

Weerarka Jaamacadda Gaarisa ayaa noqday mid ka mid ah dhacooyinka ugu waawaynaa ee ka dhacay Geeska Afrika sanadihii ugu dambeeyay.

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah