YOUR NEWS PORTAL

Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Gedo.

(BB)Sida aay sheegeen warbaahinta caalamiga iyo madaxda Kenya, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geystay fariisimo ay lahaayeen kooxda Alshabaab sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay malateriga Kenya.

weerar diyaaradDiyaaradaha ayaa bartilmaameed ka dhigtay labo saldhig oo kuyaala gobolka Gedo, oo ay Alshababa u isticmaali jireen inay kasoo abaabulaan weerarada Kenta

Waa weerarkii ugu horeeyay ee jawaab u ah weerarkii argigixiso ee kooxda Alshabaab ku qaaday jaamacadda Gaarisa, kaasoo dhaliyay dhimashada 140 qof oo u badnaa arday.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa balanqaaday inay jawaab adag ka bixindoonaan weerarkii Gaarisa.

Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay inay maleterigoodu ka jawaabay digniin horleh oo ay Alshabaab jeediyeen, Isagoo sheegay inay habeenkii xalay duqeymo ka geysteen xarumaha Alshabaab ee gobolka Gedo.

waxaa la aqoon in ay duqayntaan wiiqi karto awooda Alshabaab, mar haddii aysan jirin ciidan Alshabaab ah oo meel xira ah degan. waxaa arinkaan ay sababi karaa in ay ku dhintaan dad shacab ah taasna ay la mid noqoto weerarkii alshabaab ee Gaarisa ama ay noqoto aarsi cad.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah