YOUR NEWS PORTAL

Yaman weerarkii Cirka oo ay sacuudiga hakisay iyo Pakistan oo rabta in ay qayb ka noqoto weerarkaYaman

(BB)Dawlada dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay inay hakisay Duqaymaha ka dhan ah Xuutiyiinta xukun doonka ah ee dalka Yaman,xilli dalal badan ay dadkooda ka daadguraynayaan dalka Yaman.

diyaaradSababta Sucuudigu uu u hakiyay duqaymaha dalka Yaman ayaa ka dambaysay ka dib markii dhibaatooyin Bini’aadanimo ay ka dhaceen dalka Yaman,waxaana dalal badan oo Ruushku uu ka mid yahay ay ku baaqeen in la hakiyo Weerarada.

Hay’ada Laanqayrta Cas ayaa Gurmad Deg deg ah u diraysa dalka Yaman,waxaana uu noqonayaa Gurmadkii ugu horeyay ee gaaraya dalka Yaman,tan iyo markii dagaalada iyo duqaymaha isbarbar socda ay ka qarxeeen.

Inkasta oo Isbahaysiga Sucuudigu uu hakad galiyay Weerarka ka dhan ah Xuutiyiinta,hadana Xuutiyiintu wali waxay u xusul duubayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan Xukunka Yaman.

Dowlado kal oo diyaar u ah Dagaalka kadhan ah Xuutiyiinta.

waxaa dhinaca kale socda in ay imika dowlado kale ka doodayaan in ay ka qayb qaataan dagaalka ay hogaaminayso Sacuudiga,

waxaa ka mid ah daalkaas Wadanka Pakistan oo maanta baarlamaanka ay bilaabeen in ay ka doodaan qodob uu horkeenay wasiirkadifaaca Pakistan, oo ahaa in wadankiisu uu qayb kanoqdo weerarada lagu jebinayo kooxda Xuutiyiinta ee qabsaday Yaman.waxaa kaloo Pakistan ay horay u sheegtay in ay difaaci doonto wadankaSacuudiga haddii lasoo weeraro ooay dhacdo in lagusoo xadgudbo xuduudaheeda.

doodaadn ayaa waxaa la rajaynayaa in aya qaadato labo ilaa iyo sedexcisho.

kalasoco wixiicusub

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah