YOUR NEWS PORTAL

1500 qofood oo ay badbaadsheen ciidanka bada Talyaaniga 24 ugu dambeeyay

(BB)Ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay soo badbaadiyay tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay 1,500 oo qof.

doon dad bada talyaniga

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaasi soogalootiga ah ay saareen shan doonyood.

Doonyahaasi ayaa qeylo dhaan u diray ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Dadka lasoo badbaadiyay aya la geeyay jasiiradaha Lampedusa iyo Sicily ee dalka Talyaaniga.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay tahriibayaal ay tiradoodu ku dhawdahay 3,500 oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, halka 200,000 oo qofna laga badbaadiyay baddaasi.

Dalka Talyaaniga ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu qaabilay 170,000 oo soogalooti ah, kuwaasi oo kasoo galay dhanka badda.

Ammaan darrida ka jirta dalka Liibiya ayaa loo aaneynayaa sare u kaca tirada dadka isku biimeynaya badda Mediterranean-ka.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah