YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Soomaliya oo ogolaatay in dalkeeda looga duulo Yaman.

(BB)Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya dagaalka Yemen aysan dhex-dhexaad ka ahayn, Waxaana ay Soomaaliya si cad ula safan tahay Xulafada uu hoggaaminaayo Sucuudiga ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta Shiicada iyo taageerayaasha Saalax ee inqilaabey Madaxweyne Haadi.

hadliyeWasiirka Arrimaha Dibadda ayaa caddeeyey in xulafadu ay isticmaali karaan, Dhulka, Badda iyo hawada Soomaaliya haddii loo baahdo. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidaan oo kale caddeeyey in ay si toos ah ula safan yihiin Madaxweyne Haadi iyo hawlgalka looga soo horjeedo Xuuthiyiinta, laakiin ma qeexin kaalinta Soomaaliya.

 -Soomaaliya waa dal ka mid ah Jaamacadda Carabta waxaa qaadanay siyaasadda ay dalalka Jaamacadda Carabta qaadanayeen. Annaga waa kasoo horjeednaa meel walba oo ay tahay in xukun lagu bedelo si khasab ah, gaar ahaan dalka Yemen, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Hadliye

Dalal badan oo kamid ah Jaamacadda Carabtu ayaa u arka dagaalku in uu xaaladda sii kharibayo, waxaana ay ku baaqeen in wada hadal lagu dayo arrinta Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadley Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen gudihiisa waxaana uu sheegay in ay raadinayaan xal lagu soo badbaadinaayo qaxootiga Soomaalida ee Yemen.

Warbaahinta Horseed Media ayaa bishii Maarso ee Sucuudigu ku dhawaaqey isbahaysiga ka dhanka ah Xuuthiyiinta, sheegtey in Soomaaliya laga codsadey Badda iyo Hawadeeda haddii Isbahaysigu u baahdo

Xuuthiyiinta ayaa 48 saac ee u danbeeyey culayska saartay  sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Cadan ee ay ku badnaayeen taageerayaasha madaxweynaha dibad wareega ah ee Haadi.

Sucuudiga, Masar iyo Pakistan ayaa qorsheyanaya in ay dhawaan geliyaan Yemen ciidamadooda lugta.

Xigasho Horseednet.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

 

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah