YOUR NEWS PORTAL

Madaxtooyada Puntald oo ay Booqdeen Wafdi Safiiro kakala socda Australia,Holand,Ingriiska, Denmark, Sweden Iyo UNODC.

(BB)Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed
Cali Gaas ayaa madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefdi uu
hogaaminayey safiirka Dawladda Australia Mr. John Feakes, qeybna uu ka
ahaa madaxa hay’adda UNODC ee Soomaaliya Mr. Alen Cole.

gas iyo austaralia safir gas iyo austaralia safir.jpg1 safiiro vs puntland

Wefdiga uu hogaaminayey safiirka cusub ee dawladda Australia Mr. John
Fakes waxaa sidookale kamid ahaa saraakil sare oo ka socday
safaaradaha dalalka Netherlands Ingiriiska, Denmark iyo dawladda
Sweden ee Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Safiirka iyo
masuuliyiinta la socday kadib markii ay soo gaadheen qasriga
madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay kawada hadleen horumarka
baaxada leh ee ka soconaya Puntland, dardar gelinta mashaariicda
horumarineed ee ay kawadaan Puntland, arimaha siyaasada iyo Aminaga .

” Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes oo
maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda
Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana soo dhaweynaynaa
”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Wefdigu waxaa ay Puntland u yimaadeen inay eegaan horumarka ka
soconaya iyo xaalada guud ee Puntland iyo nabad-gelyadeeda  iyo
sidookale mashaariic ay dalka ka wadeen oo ay ugu weyntahay mashruuca
xabsiga Garoowe ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
sidookale sheegay inay ka go’antahay sii wadida iyo xoojinta xariirka
ay dawladda Puntland la leedahay beesha caalamka .

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes ayaa
dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyey
iyo sidookale horumarka uu gaarsiiyey Puntland mudadii uu hogaanka
hayey.

Mr.John Feakes waxaa uu cadeeyey in dawladda Australia ay dhankooda ka
go’antahay inay sii wadayso mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan
islamarkaana ay xoojinayaan xiriirka kawada dhaxeeya labada dawladood

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah