YOUR NEWS PORTAL

Wasiirka Gudaha Puntland Karaash Ayaa walaac ka muujiyay Qaxootiga Yaman ka imaanaya.

(BB)Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in laga warqabo xaalada qaxootiga kasoo cararaya dalka Yemen ee kusoo qul qulaya Puntland.

karashWasiirka arrimaha gudaha oo shir jiraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay Puntland inay wajihidoonto culays uga imaandoona qaxootiga haddii uusan caalamku ka qeyb qaadan dib u dajinta qoysaska kaso baxsanaya dagaalada Yemen.

8 doonyood oo ka yimid dalka Yemen oo siday in kabadan 200 ruux ayaa Puntland yimid labadii todobaad ee ugu dambeysay, Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu sheegay inay magacaabeen guddi qaran oo loo xilsaaray la socodka qaxootiga

Wuxuu sheegay inay diyaar garow ugu jiraan soo dhowaynta qaxootiga iyo maarayntooda, laakiin wuxuu sheegay inay ka walwalsan yihiin saamaynta ka dhalan karta haddii ay kasii darto xaalada dalka Yemen oo xaduud badeed laleh Puntland.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah