YOUR NEWS PORTAL

Shirkii wadatashiga hiigsiga 2016 ee udhexeeyay DF iyo Puntland oo maanta ka furmay Garowe

(BB)Shirkii wada tashiga Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa saakay ka furmay magaalada Garowe gaar ahaan xarunta caafimaadka Puntland, iyadoo ka qeybgaleen madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

gas vs omarshirka df iyo pld shirka df iyo pld.jpg1Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay labo guddi oo ka kala socda dowladda federalka iyo Puntland, kuwaas oo ka doodidoona ajandaha miiska u saaran labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa qudbado ka jeediyay furitaanka shirka, waxayna guddiyada labada dhinac ku booriyeen inay natiijo wax ku ool ah kasoo saaraan arrimaha laga wada tashanayo.

Dowladda Puntland waxaa shirkaan uga qeyb galay wasiiro katirsan xukuumada oo ay kamid yihiin, Maaliyadda, waxbarashada, warfaafinta, howlaha guud iyo gaadiidka iyo xubno kale oo badan.

Dhinaca dowladda federalka waxaa uga qeyb galay Wasiirada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Boostada iyo Isgaarsiinta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Batroolka iyo Macdanta, Xanaanada Xoolaha,  Dastuurka iyo Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga.

Dowladda Puntland ayaa shirkaan ugu yeertay xukuumada federalka, si loogala xaajoodo arrimo ka dhexeeya labada dhinac oo u baahan in heshiis rasmi ah laga gaaro. Sidoo kale shirka waxaa looga hadlayaa hiigsiga 2016.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah