YOUR NEWS PORTAL

Qodabada lagu heshiiyay Df iyo Puntland

(BB)Dowladaha Puntland iyo  Federalka ayaa heshiis buuxa ka gaaray wada tashigiii u dhexeeyay labada dhinac ee maalintii shalay ka furmay magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

??????????????????????? ???????????????????????Madaxweynaha iyo R’iisul wasaaraha oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa si wadajir ah u sheegay in is afgarad buuxa laga gaaray arrimihii laga wada xaajoonayay ee sal dhiga u ahaa gaarista hiigsiga 2016.

Afhayeenka xafiiska Raysal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa kadib saxaafada u aqriyay qodobadii kasoo baxay wada tashiga labada dhinac.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada;-

1:: Dowladda Puntland iyo dowladda federalka waxay isku afgarteen dardar galinta heshiiyadii ay horey u wada gaareen oo uu ugu dambeeyay heshiiskii 11 actobar 2014. Si arintaas loo gaaro waxaa la magacabay guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya herglinta heshiisyadaas.

2: Waxaa la isku raacay in dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo barlamaanka federalka Soomaaliya iyo guddiyada madaxa banaan ee heer qaran.

3: Dhismaha dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka waxaa loo marayaa si waafaqsan dastuurka federalka Soomaaliya.

4: Udiyaar garowga iyo qabashada madasha wada tashiga madaxda sare ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, Waxaana lagu qabandoonaa magaalada Garowe bishaan Abril.

5: Dhismaha ciidan Qaran: Waxaa la isku raacay in ciidan qaran oo dhan 3000 askari loo qoondeeyo dowladda Puntland.

6: Waxaa lasoo dhaweeyay sida dowladda Soomaliya u maamulayso wada hadalka lagula jiro maamulka Soomaaliland iyo mowqifkii ay iska taagtay wada hadaladii ugu dambeeyay ee Turkiga.

7: Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in toos ah iskaashi iyo wada shaqayn buuxda u yeeshaan wasaaraddaha labada dhinac sida arrimaha dastuurka, qeybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada, iskaashiga qorshaha qaranka iyo siyaasada isgaarsiinta qaranka.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah