YOUR NEWS PORTAL

Kenya oo sheegtay 90 cisho waa in lagu raraa Qaxootiga Soomaalida dibna loogu celshaa wadankooda.

(BB)Dawlada Kenya ayaa amar ku bixisay in gabi ahaanba laga saaro dalkeeda qaxootiga ku nool gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi kuwaas oo kasoo barakacay dalka somaliya.qxootigadhadhaab

Madaxweyne Ku xigeenka kenya Willam Ruto ayaa BBCda qaybta Afrika u sheegay in Muddo 90 Maalmood ah looga saaro Haaf Milyan qaxooti ah oo ku jira xeryaha dhadhaab  ee dalka kenya, kuwaasi oo xaalado Amni darteed dib loogu celinayo Soomaaliya.

Ruto ayaa yiri ”Qaramada midoobay waxaaan u sheegnay in muddo 3 bilood gudohooda dib loo celiyo dhammaan qaxootiga ku jira xeryaha waqooyi bari kenya, sababo la xiriira amaankeena oo aan ilaashaneyno”

Sidoo kale waxaa uu difaacay dib u celinta qaxootiga mar hadii amniga gudaha wadanka la ilaalinayo, isagoona tusaale u soo qaatay amniga Mareykanka,ka dib qaraxyadii 11-9 oo sheegay in wax badan laga badalay sharciyada Mareykanka.

Nin u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Emmanuel Nyabera ayaa Wakaaladda wararka Reuters u sheegay in aysan wali xiriir la sameynin dawlada kenya si looga wada hadlo arintani.

Xerayaha dhadhaab oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Caalamka ayaa waxaa ku jira 600.000 oo qaxooti ah kuwaasi oo halkaasi ku xareysnaa tan iyo sanadkii 1991 oo ahayd markii ugu horeysay oo qaxooti somaliya ka yimaada soo galaan kenya.

UNHCR ayaa dhowr mar oo hore ku celisay in aysan qasbi doonin dadka ku jira xeryaha iyadoona sheegtay in marka ay go aansadaan la celin doono,arinta ayaa waxaa badalay weerarkii 147 qof lagu dilay ee ka dhacay Jaamacadda Gaarisa,waxaana dawlada kenya ku doodeeysaa in ay Amnigeeda gudaha ilaashaneyso.

Xeryahani oo markii horeba aan lahayn Adeegyadii loo baahnaa ayaa waxaa la dhowraya sida Hayada UNHCR dib ugu celin karto wakhtiga gaaban ee dawlada Kenya siisay

Dhinaca Dawlada Somliya wali wax war ah kama soo saarin xaladan taagan ee haysta shacabka ay Masuulka ka tahay,waxaana la filayaa in Hay adaha u dooda xuquuqda aadanaha ka hadlaan arintani.

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah