YOUR NEWS PORTAL

Raysal wasaare Cumar oo ka tagay Puntland la sagootiyay

(BB)Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland ku sagootiyey raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wefdigii uu hogaaminayey.

rw sagootin rw oo tagaySagootinta raysal-wasaaraha iyo wefdiga la socday waxaa sidoo kale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ,wasiiro iyo xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan iyo masuuliyiin kale duwan.

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa Puntland ku sugnaa muddo saddex maalmood waxa ay kulamo iyo shir wadatashi la qaateen madaxda dowladda Puntland, Inta ay ku sugnaayeen Garoowe waxay kormeereen qaybo ka mid ah wasaaradaha Puntland. waxaa kaloo ay is arkeen dad ka baxsan dowlada laakiinse ah bulshada rayidka.

wixii cusub kala xiriir

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah