YOUR NEWS PORTAL

Puntland waxaa ay Rabtaa in shacabka lagaarsiiyo siddii codkooda ay xur ugu dooran lahaayeen cida u talinaysa MDx- kuxigeenka Puntland Eng. Camey

(BB)Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Camey ayaa sheegay dowladdu inay sanadkaan 2015 qorshaynayso in meel wanagaasan laga gaaro siyaasada ku dhisan maamul baahinta Puntland.

Ujeedadda laga leeyahaya qorshahaan ayaa ah inay dadku is xukumaan oo dalka la gaarsiiyo nidaam dimuqraadiyeed oo awood leh.

Eng, Camey ayaa sheegay dowladda Puntland inay ka go’an tahay in awooda lagusoo celiyo shacabka si ay iyagu uga tashadaan danahooda iyo baahiyahooda aas aasiga ah, halkii ay marka hore xukuumada dhexe ka sugi jireen inay wax u qabato.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ayaa saldhig u ah barnaamijkaan siyaasada maamul baahinta waxayna haatan ku howlan yahay wacyi galin  heer gobol, heer gobol iyo ilaa heer tuulo.

Iyadoo taa laga duulayo ayay wasaaraddu maalintii shir usoo gabagabeysay dhammaan gudoomiyayaasha degmooyinka iyo kuwo gobolada, waxaana la barayay sida looga gudbi karo carqaladaha in maamulka la baahiyo.

kala soco wixii soo kordha

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah