YOUR NEWS PORTAL

Ciidanka Nabad gelyada Puntland oo sheegay in qof ismiidaanshay uu gaystay qaraxii lala beegsaday shaqaalaha UNka

(BB)Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Nugaal gaashaanle sare Axmed Cabdulahi Samatar Leydi ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar saaka lala beegsaday gaari ay la socdeen shaqaale katirsan kuwo Qaramada Midoobay oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.qarax garowe.1

Taliyaha oo saxaafada kula hadlay goobta uu falkaan ka dhacay ayaa sheegay weerarkaan inuu ka dambeeyay qof isisoo miidaamiyay oo gudaha u galay gaariga , laakiin weli si rasmi ah looma cadayn qofka is qarxiyay.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay si dhaqso ah jawaab uga keenidoonaan falkaan dhacay islamarkaana ay gacanta ku hayaan xubnaha qofka is qarxiyay oo lagu sameynayo baaritaan.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay weerarkaan, kuwaas oo 4 kamid ah yihiin ajnabi ,halka labo kalena ay yihiin Soomaaliy iyo qofka ismiidaamiyay.

Waxaa sidoo kale weerarkaan ku dhaawacmay 7 kale oo isugu jira  2 Soomaali ah iyo shan Ajaanib ah oo katirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay , Waxaa ku jira Marrian Clark oo ahayd madaxii Unicef ee Puntland.

Diyaarad qaas ah oo laga leeyahay Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay saacaddaha soo socda kasoo degto Garowe si ay uqaado dhaawacyada shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa dhintay si loogu qaado magaalada Nairobi.

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah