YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Puntland oo cambaaraysay qaraxii maanta lagu bartilmaamsaday shaqaalaha UNka

(BB)Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa cambeerayay qarax saakay 8:00 subaxnimo la labeegsaday gaari ay la socdeen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali, kuwaasi oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta Hay’adda FAO ee magaalada Garowe.

qarax garowe.4 qarax garowe.3 qarax garowe.2 qarax garowe.1 qarax garowe

Madaxwene ku xigeenka iyo mas’uulyiin katirsan xukuumada ayaa booqday goobta uu ka dhacay qaraxaan waxayna uuga sii gudbeen cisbitaalka weyn ee Magaalada Garowe, halkaas oo la gaarsiiyay dhaawacydada iyo dadka dhintay.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku si deg deg ah u magacaabay gudi baaritaan rasmi ah ku sameeya dhacdadaan.

Gudigaan oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin.

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Dawladda Puntland ayaa  cadaysay inuusan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah