YOUR NEWS PORTAL

Dowlada Kenya oo 9 sargaal ku oogtay dacwad ah in ay ku guuldareysteen in ay ka hortagaan Alshabaab

(BB)Sagaal kamid ah saraakiisha Kenya ayaa la xiray iyagoo wajahaya eedeymo la xiriira xasuuqii laga geysatay jaamacadda Gaarisa horaantii bishaan sidaasi waxaa sheegay dowladda Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay labo shaqaale oo dowladda katirsan iyo todobo katirsan saraakiisha Booliska Gaarisa inay ku guul daraysteen inay ka hortagaan weerarkii Gaarisa xilli sirdoonku bixiyay digniin.

“ Waxaan fursadaan uga faa’idaysanayaa inaan digniin ujeediyo dhammaan saraakiisha mas’uuliyadoodu tahay inay ilaaliyaan ammaanka dalka. Mid kasta waxaa lagala xisaabtamidoonaa  qalad kasta oo shaqadiisa ku aadan, taasoo Qatar galinaysa nolasha iyo hantida dadka reer Kenya,”ayuu yidhi.

Wuxuuu intaas ku daray inay baaritaan ku socdaan saraakiisha la xiray ayna wajihidoonaan eedeymo dambi.

kala soco wixii cusub

wwwbalibulse.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah