YOUR NEWS PORTAL

(Video) Dowlada Kenya oo siisay waqti dheeri ah oo ay kaga faa’idaysan karaan dhalinyara reer Kenya ee Alshabaab ka tirsan,cafiskan.

(BB)Dawlada wadanka Kenya ayaa waqti dheeri ah ugu dartay Dhalinyarda u dhalatay dalka Kenya ee ka faa’iidaysanaya Cafiska ay u fidisay Dawlada Kenya,ka dib markii uu dhamaaday waqtigii ay horay u siisay.

Waxaa la siiyay waqti gaaraya 14-maalmood inay uga faa’iidaystaan cafiska,waxaana Dawlada Kenya aysan wali shaacin haddii ay jiraan dhalinyaro horay uga faa’iidaystay cafiskii hore ee waqtigiisu uu dhamaaday.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaisery ayaa sheegay inay Dawladu ay gaartay hadafkii ay ka lahayd Cafiska.

Kenya ayaa waxaa ragaadiyay Musuqmaasuq baahsan,waxaana Aaskarteedu ay ka mid yihiin kuwa ugu Musuqmaasuqa badan Geeska Afrika.

War iyo Wacaal Maanta
Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah