YOUR NEWS PORTAL

Madaxweyne Xasan oo Sidiiran loogu soo dhaweeyay Garoowe

(BB)Madaxweynaha dowladda federelka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland, iyadoo soo dhowayntooda ay ka qeyb galeen boqolaal shacab ah iyo mas’uuliyiinta Puntland.Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan iyo wafdigiisa ayaa ku lugeeyay barxada weyn ee magaalada Garowe isagoo si kalsooni ah u salaamayay shacabka usoo baxay soo dhowyantiisa, kuwaas oo ilaa iyo saaka hortaagnaa wadada laamiga iyo barxada si ay u arkaan madaxweynaha.

mds xasan garowe mds garowe2 mds xasn garowe mdx garoowe0 mdx garowe mdx garowe1 mdxgarowe2 mdx garowe4

Madaxweynaha Puntland oo soo dhowayn kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa inay u yimidaadeen Puntland sidii wadatashi looga samayn lahaa geedi-soconka nabada Soomaaliyeed si kor loogu qaado midnimada Soomaaliya iyo wadajirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Puntland inay door muhiim ah ku leedahay dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, isagoo cadeeyay inuu aragtiyo ka qaadandoono Puntland iyo shacabkeeda si loo helo dowlad ku dhisan wada tashi iyo raali ahaansho bulshada oo idil.

” Waxaan usoo hormaray inaan kulamo gaar ah la qaato madaxda Puntland si aan Puntland uga arko waxyaabaha quseeya iyaga. Waxaan kaloo halkaan u imid inaan dhageysto ra’yiga dadka reer Puntland ee ku aadan in la helo dowladnimo hanaqaada, ” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Puntland doorka ay ka qaateen dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaan, Wuxuuna yiri,”  Waxaan ku bogaadinayaa xukuumada Puntland doorka ay ka qaateen dagaalka nabadiidka Alshabaab ee handadaada ku ah dowladnimada Soomaaliya. Waxaan u sheegaynaa Puntland iyo shacabkeeda inaysan dowladdu federalku wax awood ah ula harin inay la dagaalanto Alshabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhibaatooyinka ka taagan dalka Yemen gaar ahaan gulufka ay wadaan Xuutiyiintu, isagoo sheegay taasi inay tahay sababta taageerada ay ugu hayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Xootiyiinta ee xooga kula wareegay awooda dalka Yemen.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay inay dowladda Soomaaliya kasoo daabulidoonto dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Yemen, loona diridoono diyaarado iyo maraakiib soo qaada. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay soo dhoweynayaan dadka reer Yemen ee kasoo cararaya dalkooda, laakiin wuxuu sheegay inay il gaar ah ku hayndoonaan si looga feejignaado inay kooxaha argigixisadu kusoo dhuntaan dadka soo cararaya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa joogidoono magaalada Garowe ilaa saddex cisho, isagoo ka qeyb galidoona shirka wada tashiga dowladda federalka Soomaalya iyo dowlad goboleedyada dalka.

kala soco wixii cusub

www.balibusle.com

Xulka muuqaaladda
Wargelin & Fariimo gaar ah
Wargelin & Fariimo gaar ah